4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Taliye cusub oo loo magacaabay hogaanka booliiska gobolka Mudug

 

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) -Taliyaha ciidamada booliiska Puntland  Jen C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa Xilkii ka qaaday Taliyihii qaybta  Booliska Gobalka Mudug, G/dhexe  C/waaxid Aw-Doon waxaana xilkaasi uu u magacaabay G/sare Cismaan Afdalow Taliyihii hore ee ciidamada Birmadka Puntland.

Taliyaha ciidamada booliiska Puntland Jen. Erag ayaa sheegay in markii uu arkay howlaha shaqo ee ciidamada booliiska gobolka Mudug uu go’aansaday xilka qaadista iyo magacaabista taliyaha qaybta booliiska gobalka Mudug.

Taliyihii qaybta booliiska gobolka Mudug ee xilka laga qaaday G/dhexe C/waaxid Awdoon ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay G/sare Cismaan Xasan Cuuke Adalow Taliyaha Cusub ee qaybta booliska Gobalka Mudug.

Sidoo kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa u magacaabey Taliyaasha Saldhigyada Degmooyinka,Gaalkacyo,Galdgob iyo Jariiban ee Gobalka Mudug,kuwaaso uu dhawaan kormeero uu ku so maray.

Dhinaca kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ayaa sheegay in G/dhexe C/laahi yuusuf,Warsame,G/le C/qaadir Axmed Cumer iyo Dhamme ismaacil Warsame Xirsi in ay yihiin xil sugayaal ayna ka qayb gali karaan dhamaan shirarka Amniga looga hadlayo ee ka dhacay Gobalka Mudug tan iyo inta laga magaacabayo.

Ugu,Danbaytii,Isbadalkan uu Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland uu ku sameeyay Talisyada Degmooyinka Gobaka Mudug ayaa imaanaya Xili dhawaan la sheegay in taliska Booliska Puntland uu tirokoob ku sameeyay tiradda iyo tayada Ciidamada Gobalka Mudug.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya