Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) -Taliyaha
ciidamada booliiska Puntland Jen C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa Xilkii
ka qaaday Taliyihii qaybta Booliska Gobalka Mudug, G/dhexe C/waaxid
Aw-Doon waxaana xilkaasi uu u magacaabay G/sare Cismaan Afdalow Taliyihii hore
ee ciidamada Birmadka Puntland.
Taliyaha ciidamada booliiska Puntland Jen. Erag ayaa sheegay in markii uu arkay
howlaha shaqo ee ciidamada booliiska gobolka Mudug uu go’aansaday xilka qaadista
iyo magacaabista taliyaha qaybta booliiska gobalka Mudug.
Taliyihii qaybta booliiska gobolka Mudug ee xilka laga qaaday
G/dhexe C/waaxid Awdoon ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu
wareejiyay G/sare Cismaan Xasan Cuuke Adalow Taliyaha Cusub ee qaybta
booliska Gobalka Mudug.
Sidoo kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa u magacaabey
Taliyaasha Saldhigyada Degmooyinka,Gaalkacyo,Galdgob iyo Jariiban ee Gobalka
Mudug,kuwaaso uu dhawaan kormeero uu ku so maray.
Dhinaca kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ayaa sheegay in G/dhexe
C/laahi yuusuf,Warsame,G/le C/qaadir Axmed Cumer iyo Dhamme ismaacil Warsame
Xirsi in ay yihiin xil sugayaal ayna ka qayb gali karaan dhamaan shirarka
Amniga looga hadlayo ee ka dhacay Gobalka Mudug tan iyo inta laga magaacabayo.
Ugu,Danbaytii,Isbadalkan uu Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland uu ku sameeyay
Talisyada Degmooyinka Gobaka Mudug ayaa imaanaya Xili dhawaan la sheegay in
taliska Booliska Puntland uu tirokoob ku sameeyay tiradda iyo tayada Ciidamada
Gobalka Mudug.
Abaadir
C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya