4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Saddexda xisbi ee Somaliland oo wali isku mari la’ wakhtiga doorashadda



Talaado,Janaayo , 10, 2017 (HOL) – Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa wali isku mari la’ in doorashaddu wakhtigeeddii dhacdo iyo in la kordhiyo, waxaana maanta warbaahinta la  hadleen iyagoo waxba ku heshiin.

Xalay illaa  maanta oo hogaamiyeyaasha xisbiyaddu shirar ay kaga doodayaan  xaaladda abaareed ee jirta iyo in aanay munaasib ku ahayn in doorashada wakhtigii loo qorsheeyey ee March 28,2017 ku dhacdo, maadaama oo dadkii kaadhadhka codeynta qaadan lahaa aanay jooginba deegaankoogii ay ka codeyn lahaayeen.

Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa isagu sheegay in arrimaha doorashooyinka inay dhici karaan iyo inay wakhtigeeddii dhici karaan awood u leeyihiin guddida doorashooyinka,isla markaana loo dabo fadhiisto, halka labadda xisbi mucaaradka ay doonayaan in laga wada tashaddo wakhtiga munaasibka ah ee doorashaddu dhici karo, isla markaana lagu kaliyeen guddida doorashooyinka oo qudha.

“laba Rayi ayaanu maanta isku keenay, anagu hadii aanu xisbi xaakinkii nahay waxaanu istaagnay mawqifka ah wakhtiga doorashadda iyo  ka hadalkeedda waxa inoo haya guddida doorashoyinka, iyaga qiimayn kara iyagana ku dhowaaqi kara sidaas ha la yeello, marka kaasi uun baanu u hogaansamayna waxaana leenahay ha u dayno guddida doorashooyinka ee ku shaqadda leh arrimaha doorashooyinka, qoladda kale taanu qaadanay mid ka duwan bay qaateen waana ku tixgalinaynaa waana lagu kala aragti duwanaan karaa mar haddii xisbiyo la yahay, waxaase isla ogolnahay in aanu ka wada talino wixii qaranka iyo dadkaba dan u wada ah,”ayuu yidhi Muuse Biixi oo ku hadlayey afka xisbigai xaakinka KULMIYE.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ahna, musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxaynu ognahay in xaaladdu abaartu sii xumaanayso  xoolihii way dhamaadeen, dadkiina xalay baanu maqlaynay inay dad u geeriyoodeen abaaraha, waxaanu doonaynaaa in boqolkiiba toddobaadkan dadkii oo maqan in kaadhadh la qaybiyo, waxaanu doonayna in dadka la badbaadiyo mar labaad laga wada tashaddo wakhtiga ku haboon ee doorashadda la qaban karo.”

“arrinta taagan arrin uu guddida doorashooyinku ka talin karaan maaha waa arrin damiirku ka talin karo, maalin beesha caalamka loo habraddo maaha, waa maalin ilaahay laga baqo iyo dadka aanu doonayno inaynu madax u noqoto, waa in la horaysiiyo badbaadda dadka, wada tashiguna wuu noo soconayaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hogaamiyeyaasha saddexda xisbi oo markii saddaxaad kulan ka yeeshay xaalada abaaraha ee taagan iyo doorashooyinka in aanay is qaban kareen, waxaanay illaa hadda ku heshiin kari waayeen inay isla qaataan in muddo kordhin la sameeyo, waxaana xisbiga kulmiye ku doodayaa in wakhtiga doorashadda shaqadeedda tahay gudida doorashooyinka, halka labadda xisbi mucaaradna ku doodayaan in sadexda xisbi isla gartaan wakhtiga ku haboon ee doorashadda la qaban karo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland