4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Madaxweynaha Galmudug oo xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaannada uu maamulka ka arimiyo

 

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay deegaannada uu ka arimiyo maamulka.

Wareegtan oo sida ka muuqata taariikhda ku asteysan la soo saaray maalintii shalay ayaa lagu soo beegay maanta oo xildhibaano ka tirsan Galmudug ku dhawaaqeen in ay kalsoonnidii kala laabteen madaxweynaha.

Xaaladan deg deg ah oo mudo 90 cisho ah qaadan doonta ayaa la amray ciidamada maamulka in ay u hogaansamaan.

Ugu danbeyntii, Arintan ayaa imaneysa xili magaalada Cadaado ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii maanta qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug ku sameeyeen madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed oo dhiniciisa ku gacan-seyray go’aankaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]