4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Madaxtooyada Galmudug oo ka soo horjeesatay go’aankii kalsooni kala noqoshada madaxweyne Guulleed

 

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) –War ka soo baxay xarunta madaxtooyada dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu qaadacay go’aankii xildhibaannada ee kalsooni kala noqoshada madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug, ayaa la sheegay go’aanka xildhibaannada qaateen uu ahaa mid sharci darro ah oo baalmarsan sharciga iyo nidaamka maamulka.

‘’Galmudug waxey leedahay sharci iyo nidaam ay dhigteen dadka reer Galmudug, wixii intaa baalmarsan waa sharci darro, waxa maanta ka dhacay xarunta lagu magacaabo Badbaado, waxaan u aragnaa fowdo iyo sharci darro, mana aqoonsanin go’aankaa isaga ah ‘’ ayaa lagu yiri warka ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Galmudug.

Xildhibaannada maanta codka kalsoonida kala laabtay madaxweynaha ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan, iyo in uu ka soo bixi waayay howlihii loo idmaday.

Shirka maanta waxaa shir guddoominayay ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed, madaama guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ku maqan yahay magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, waxaa xiligan muuqaneysa kala qeybsanaan weyn oo soo kala dhaxgashay baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug oo hada la kala safan guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]