4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xaalada magaalada Qandala

 

Talaado, Janaayo 10, 2017 [HOL]-Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay galab ku tagay safar uu dooni raacay magaalo xeebeedka Qandala.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa tagay halkaa ayagooo doomo isticmaalay. Qandala ayaa dhawaan laga kiciyay maleeshiyo sheegtay inay taabacsan tahay Daacish.

Safarka ayaa qaatay dhowr saacadood wuxuuna halkaa markii uu tagay madaxweynuhu kulan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo magaaladaa ayagu ku sugan.

Madaxweyne Gaas ayaa warbaahinta u sheegay inuu halkaa u tagay inuu u kuur galo xaalada magaaladaa kadib markii Daacish ay qabsatay halkaa dadkii daganaana ay dhibaateysay.

'Ciidamada Puntland ayaa ka xoreeyay. Wax la dilay iyo wax la qabtay iyo wax hada meelahaas u cararay weeye.' Madaxweyne Gaas ayaa sidaa yiri.

Wuxuu sheegay inay jiraan wax la qabtay iyo kuwo isa soo dhiibay jabhada Daacish.

Wuxuu sheegay in magaalada Qandala ay ku dheer tahay shacabka Puntland isla markaana ay tahay magaalo qadiimi ah. Waxsoosaar badan oo kalluun ka mid yahay ayuu sheegay in Qandala leedahay.

Wuxuu sheegay in wixii hada ka dambeeya aad loo ilaalin doono magaaladaa oo ciidamo badan oo beriga ah iyo kuwa baddaba la keeni doono.

'Dee dadka in loo yimaado oo la ogaado baahiyahooda iyo dhibtii gaartay weeye muhiimada aan u imid'. Madaxweyne Gaas ayaa sidaa yiri.

Wuxuu sheegay inuu soo maray qeybo ka tirsan magaalada wuxuuna sheegay in ay meelo badan bililiqeysteen meelo badana ay burburiyeen asagoo xusay goob caafimaad oo ay burburiyeen.

Wuxuu sheegay in qorshaha Puntland dawladeedu tahay in waxbarashada iyo caafimaadka iyo adeegyada kale oo dhan gudaha Qandala dib loo soo nooleeyo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]