4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Buhari oo hogaamin doona madaxda urur goboleedka ECOWAS oo markii labaad la kulmaya Yaxye Jammeh
Photo: Premium Times

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) –Hogaamiyeyaasha dalalka ku yaal galbeedka Afrika ayaa isniintii sheegay in ay ku laaban doonaan dalka Gambia si ay uga dhaadhiciyaan Madaxweeyne Yaxye Jammeh in uu xilka ka dago, iyagoo sheegay in adeegsiga awood Militari ay noqon karto mid suurogal ah.

Waqtiga kama danbeysta ee shanta sano ee uu xilka hayay Madaxweeyne Jameh ayaa ku eg 18-ka Janaayo, wixii xilligaa ka danbeeyo waxaa la filayaa in talada dalkaasi uu la wareego madaxweeynaha cusub ee la doortay ee Adama Barrow.

Balse ninka awoodda ku leh dalka Gambia ee mudada 22-ka sano talada dalkaasi haayay ayaa wacad ku maray in uu xafiiskiisa joogi doono inta laga xallinayo doodda ka taagan natiijada doroashooyinkii dalkaasi ka dhacay, inkastoo madaxda Afrika iyo beesha caalamka ay ku cadaadinayaan in uu aqbalo natiijada doorashada.

Madaxweeynaha dalka Nigeria Maxamadu Buhari ayaa hogaamin doona wafdiga la kulmi doona hogaamiyaha dalka Nigeria, ayadoo ay wehlin doonaan dhiggiisa dalka Liberia Ellen Johanson Sirleaf  iyo madaxweeynihii hore ee dalka Ghana Dramani mahama, waxaana ujeedka safarkoodu yahay soo afjaridda xiisadaha ka taagan dalka Gambia.

Madaxdan ayaa la kulmi doona Madaxweeyne Jammeh si ay uga dhaadhiciyaan in uu ixtiraamo dastuurka u yaal dalkaasi, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arimaha dibadda dalka Nigeria Geoffrey Onyeama.

wuxuu intaa ku daray in xil wareejin si nabadgelyo ah ku dhacda ay doorbidayaan, balse hadii ay taa dhici weeyso ay suurogal tahay in awood loo isticmaalo.

Waxaa jirta cabsi laga qabo xaaladaha sii xumaanaya ee dalka Gambia, ayadoo ay jiraan dad ka ka cararay dalkaasi oo qaxooti ku ah dalalka deriska ah, iyo weliba cadaadis ay xukuumadda talada haysa saareeyso warbaahinta, ayadoo hawada laga saaray idaacado badan oo ka howlgali jiray dalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.