Xiisad ka jirta Cadaado iyo xildhibaano cod u qaadaya xil ka qaadista madaxweynaha Galmudug
Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) – Xildhibaannada dowlad
gobolleedka Galmudug oo ku shirsan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah u ah
dowlad gobolleedka Galmudug ayaa cod u qaadaya mooshin xil ka qaadis ah oo
dhawaan laga keenay madaxweynaha maamulka Cabdikariin Xusseen Guulleed.
Fadhiga baarlamanka Galmudug waxaa shir guddoominaya
guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in
baarlamaanka maanta cod u qaadayo mooshinka ka dhanka ah Cabdikariin Xusseen
Guulleed oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, magaalada Cadaado ayaa lagu waramaya in ay ka
taagan tahay xiisad ka dhalatay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee halkaa jira, kadib markii ciidamo ka tirsan nabad-sugida
Soomaaliya isku dayeen in ay is hortaagaan fadhiga baarlamaankan, halka ciidamo
kale oo ka tirsan booliiska ilaalinayaan fadhiga xubnaha gollaha
baarlamaanka.
Lama oga natiijada ka soo bixin doonta kulanka ay leeyihiin
xildhibaannada Galmudug oo horay u sheegay in ay kalsoonida kala laabanayaan
madaxweynaha.
Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho ku maqan yihiin madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo guddoomiyaha baarlamaaanka maamulkaas Cali Gacal Casir.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]