4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Diyaar-garoowgii ugu danbeeyay ee doorashada guddoonka baarlamaanka oo socta

 

Talaado, Janaayo, 10, 2017 (HOL) – Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar-garoowgii ugu danbeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 11bishan Janaayo oo ku beegan maalinta berri ah.

Doorashadan oo noqoneysa mid xiiso gaar ah leh marka la eego musharixiinta ku hardamaya ayaa guddoomiyaha baarlamaanka waxaa u taagan oo isku arki doona xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, Prof Max’ed Cismaan Jawaari, C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geeseey) iyo Idiris Aadan Dhakhtar.

Labada musharax ee loogu hadal heynta badan yahay ayaa kala ah xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig iyo Prof Jawaari oo loo maleynayo in loolanka ugu adag uu dhax mari doono.

Musharixiinta u taagan xilka guddoonka baarlamaanka oo gaaraya 22 xildhibaan, waxaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeennadii hore ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, iyo Mahad Cabdalla Cawad  oo mid walba oo ka mid ah mar kale isku soo taagay xilkii uu horay uga hayay baarlamaanka.

Dad badan ayaa rumeysan in doorashada maalinta berri ah ka dhici doonta gollaha shacabka saadaal ka sii bixin doonto cidda noqoneysa madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Maanta oo Talaado ah ayeey musharixiinta watigooda ugu badan ku qaadan doonaan olalahooda doorasho, madaama maalinta berri ah mid walba oo ka mid ah u soo diyaar-garoobi doono doorashada oo ah mid siweyn isha loogu wada hayo natiijada ka soo baxda.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]