4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka hadlay arrimo la xiriira abaarta

 

Talaado, Janaayo 10, 2017 [HOL]-Madxaweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Maamulka Hirshabeelle, xili uu ka soo noqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee uu howlo shaqo  ku tagay.

 

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  madaxweyanaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu horeyn ka warbixiyy xaalada guud ee gobalka gaar ahaan tan abaaraha ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle,  Isagoo sheegay u jeedada halkaasi ay u gaareen ay tahey  in ay u kuur galaan  xaalada abaaraha ee ka jira qeybo ka mid ah Gobolkaasi, waxaana uu sheegey Madaxweynaha in ay gaarsiyeen deeganadaasi deeq gar gaar ah oo aan ku filneyn baaxadda abaarta jirta.

 

 “maalma ayaa  ku maqnaa Magaalada Beledweyne u jeedada  aan u aadnay waxa ay aheyd laba qodob  oo kala ah in aan ku baraarujino  wakiilka qaramada midoobay  ee Soomaaliya Michael Keating tago halkaasi oo inoo suura gashey  islamarkaana uu wax ka ogaado xaalada abaaraha  ee jira, qodobka kale ayaa ah beelaha dega  halkaasi aan kala hadalno  in jawi nabadeed ay kuwada noolaadaan lagana fogaado colaad beeleedyo in ay dhacaan,  kuwaasi oo iyaguna isku soo afgaranay  taa oo iyana inoo aheyd wax wanaagsan oo mira dhal ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Hirshabeelle  Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ka soo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle, Dowladda Dhexe ee Dalka,  iyo Hey’adaha  gar-gaaarka in ay la soo gaaraan Gurmad dadku abaartu ku sameysay guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabeelle.

 

“Waxaan rabaa inaan fursadani kaga faa’ideysto  runtii uguna baaqo dadka ka soo jeeda maamulkani ee  ku nool dalka dibadiisa,  hey’adaha samafalka, iyo dowladda Dhexe dadaal waa jiraa laakiin halaba jibaarto dadaalka, runtii abaar ba’an ayaa jirta xoolihii ay la’anayaan hade cid la isku haleynayo ma jirto dadaal badan ayaa socdo in laga wada qeyb qaato ayaa loo baahanyahay” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cosoble.

 

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu tababar uu ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Nabad Sugida oo noqonaya ciidankii ugu horeeyay oo loo tababaro Maamulkani, taasi oo ay soo dhoweeyeen qeybaha kale duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana ciidamadaasi ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta guud ahaan amniga deegaanada Maamulka uu hoos yimaado.

 

Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]