Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad
gobolleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kulan gaar ah la
qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayeey labada mas’uul
uga wada hadlleen arimo la xiriira gaar ahaan guusha uu Farmaajo ka gaaray
doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.
Axmed Mdaoobe ayaa taageero balaaran u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,
waxa uuna u balan qaaday sida aan wararka ku heleyno in wada shaqeyn dhaw la
yeelan doono Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumada uu soo dhisi doono.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa Hogaamiyaha kaliya ee ka maqnaa magaalada
Muqdisho xiligii ay doorashada socotay, waxaana Madaxda kale maamul
goboleedyada ay ahaayeen kuwa u dhae dhigtay u ololeenta qaar kamid ah
Musharaxiinta Madaxweyne.
Ugu danbeyntii, Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa u
yimid ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu
wado in maalinta berito ah lagu qabto magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galaan
madax kala duwan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]