4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Axmed Meyre Makaraan oo noqonaya guddoomiyaha rasmiga ah ee G Shabeellaha dhexe

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa u magacaabay Axmed Meyre Makaraan in uu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha cusub ayaa horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Sh/dhexe waxaana uu xilka guddoomiyaha gobolka uu si ku-meel-gaar ah u qabtay, kadib markii guddoomiyihii gobolka Cali Cabdullaahi Guudlaawe loo doortay madaxweyne ku-xigeenka maamule ku xigeenka qabtay kadib markii uu guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen loo doortay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cosoble ayaan weli ku dhowaaqin golihii wasiirada iyadoo dhamaadkii bishii Oktoobar loo caleemo saaray madaxtinimada  maamul goboleedka Hirshabeelle.

Ugu danbeyntii, maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo madaxweynaha xubnaha gollaha wasiirada maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]