4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Hargeysa: Hooyo Itoobiyaan ah oo loo xukumay wiil saddex qof isku haysteen


Axad, Febraayo ,19, 2017 (HOL)- Wiil 12 jir ah oo ay isku haysteen saddex qof ayaa maxkamadda gobolka Sool oo ay caawinayaan maxkamada sare iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku dhawaaqeen cidda wiilkaaasi dhashay oo loo xukumay.

Wiilkan ayaa loo xukumay hooyo Itoobiyaan ah waxaana laga xukumay laba nin oo muwaadiniin ah, kuwaas oo muddo dacwadoodu ka socotay magaaladda Laascaanood, haseyeeshee waxa  maxkamadda gobolka Sool oo la kaashanaysa Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa laga qaaday dhiiga hiddo sidaha ee DNA-da looyaqaan oo loo diray Dibadda, waxaana boqolkiiba saqaashan Dhiiga ilmaha yar isku dhiig noqdeen hooyo Muna Cabdikariim oo ah qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool magaaladda Laascaanood.

“Dacwadaha qaar baa sayniska iyo caafimaad u baahan oo waana inaad mar walba tiknoolajiyada la jaan qaadaa, dacwadan waa tii labaad oo ah caruur la isku qabsaday, waxaana tii hore ka dhacday magaaladda Ceerigaabo oo ay gaadhay in laba reer qoryaha isku qaataan,haseyeeshee markii Dhiigii aanu baadhnay cidii lahayd la siiyey”ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo  sharaxaya dacwadan iyo natiijaddii ka soo baxay ka soo baxday baadhitaanka dhiiga waxa uu yidhi “iIlmo yar oo sadex qof isku haysteen, laba nin iyo hooyo ayaa isku haystay, oo mid waliba lahaa aniga dhalay, dacwadu waxay ka furan tay degmadda Laascaanood, shayga kaliya ee lagu kala saari karaana waa in la qaada saddexda waalid hiddo sidahooga iyo ilmaha yar, DNA-da, dacwadani muddo socotay waxaana iska kaashaday  garsoorka gobolka Sool iyo maxkamadda sare waxa isna na caawiyey oo aanu dirnay Cisbitaalka magaaladda Hargeysa, dhiigii waa la diray maanta ayaa lagu dhawaaqay natiijadii dhakhtarka ka soo baxay waxa DNA-dii sagaashan in ka badan soo saartay oo ilmihii isku dhiig noqdeen hooyadan oo waliba ah hooyo qaxoontiga ah  Itoobiya ka yimid dalka Jaarka nahay, labadda kalena waa muwaadiniin reer Somaliland ah, cadaaladuna cid ma taqaano  dhiigii la diray natiijadii ka soo baxday cidii ay siisay uun baa la siiyey, ilmihii hooyadii ayaa gacanta laga galiyey”.

“Waa maalin cadaaladeed waa maalin tii dhashay ku faraxsantahay, kii daba ordaayeyna samray”Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool Xasan Maxamed

Hooyaddan loo xukumay wiilka yar oo magacooda la yidhaa Muna Cabdikariim oo ka hadlaysa xukunkan ilmaha loo xukumay waxay tidhi “Maanta aad baan u faraxsanahay oo ismaan lahayn cadaalad ayaa ka jirta, laakin maanta waxaan ogaaday inay Somaliland cadaaladdi ka jirto, ilaahay waxaan uga rajaynaya inuu guul gaadho dawladda Somaliland sabab ah anigoo wadanka u dhalan iyo niman wadaniyiin ah oo reer Somaliland ah ayaa ilmaha isku haysanna dacwada ku wada jirnay aniga la ii xukumay marka cadaalad wanaagsan ayaa ka jirta”ayey tidhi Muuna oo dareen farxad leh ku qaabilay natiijadda xukunkii mudadda socday.

Dacwadan wiilka yar lagu kala saaray cidda dhashay ayaa noqonaysa tii labaad ee lagu kala saaray qoysas caruur isku haysatay, waxaanu gudoomiyaha Maxkamada sare sheegay in dacwadan sidan oo kale ah wali ku jirto baadhitaanka Dhiiga hiddo sidaha oo sheegay cidda ilmaha la isku haystaa dhashay.

 Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.