4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
FAAH FAAHIN : Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar looa deegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay goor dhaw lala eegtay Suuq ku yaala xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in qaraxa uu ka dhacay goob suuq ah, isla markaana uu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan hay’adda amniga dowladda federaalka ayaa sheegay in  in illaa 30 qof ku dhinteen qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay goobo kala duwan

Mid ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Kaawo Godey ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay inuu arkay dhimashada in ka badan 15 ruux.

Ugu danbeyntii, qaraxan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho marka la eego baaxada khasaaraha ka dhashay kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]