Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Wararka ka
imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax loo
adeegsaday gaaari xamuul ah goor dhaw uu ka dhacay xaafadda Kaawo Goday.
Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa uu sababay dhimashada dad gaaraya 10 ruux.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in
ay aheyd meel dad badan ay joogeen uuna ku yaalay suuq, waxaana qaraxaasi ka
dhashay khasaare aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhaawa ayaa sidoo kale lagu waramayaa in uu ka baday yahay 20 ruux, waxaana
jira wali warar isa soo taraya oo ka soo baxaya qaraxa.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]