4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Madaxweynaha oo safiirada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kulan la qaatay


Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maalin uun ka hor xafiiska la wareegay ayaa kulan la qaatay safiirada wadamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa isugu yeeray danjirayaasha dowladda qeybta ka ah howlgalka midowga Africa, isaga oo u sheegay sida ay muhiim u tahay xiligan dardar galinta howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidamada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxaa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan dhismaha ciidamada Soomaaliyeed ee marka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka qeybo badan oo ka tirsan ay ka jiraan abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in si nabad ah dadka loo gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda, ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira.

Ugu danbeyntii, kulanka ayaa qeyb ka ahaa oo ku wehlinayay xubno ka tirsan dowladda iyo shaqaalaha xafiiska madaxweynaha iyo qaar ka mid ah safiirada Soomaaliya ee dalalka caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]