9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Madaxweynaha dalka Gambia oo manta lagu caleemo saarayo magaalada Banjul

Sabti,  Feberaayo, 18, 2017 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.

Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay olloga yihiin ee Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.

Gambia waxay madaxbannaanidiisu 52 jirsanaysaa manta laakiin Adama Barrow wuxu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee mudaa dalku yeesho.

Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.

Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

Ugu danbeyntii, kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaal caasimadda.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

- See more at: /news/2017/feb/wararka_maanta18-139852.htm#sthash.nmbO1tF1.dpuf