4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Xaflad lagu taageerayo dawlada cusub ee Soomaaliya oo la filayo in ay ka dhacdo Nairobi

Sabti, Febraayo 18, 2017 [HOL]-Xaflad lagu taageerayo dawlada cusub ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa la filayaa in ay ka dhacdo Nairobi dhawaan.

Xafladaa ayaa waxaa sidoo kale intay socoto qarash loogu uruurin doonaa dadka ay abaartu saamaysay ee kunool gudaha Soomaaliya. Xafladaa ayaa lagu wadaa in lagu qabto garoonka Sir Ali Muslim ee xaafada Pangani ee caasimada dalka Kenya ee Nairobi maalinta Axada ah ee taariikhdu tahay 19ka Febraayo 2017.

Xafladaa ayaa lagu wadaa inay bilaabato 9ka subaxnimo ee Axada.

Dhanka kale 21ka isla bishaan Febraayo waxaa magaalada Nairobi lagu wadaa inay ka dhacdo xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day.

Waxay ka dhici doontaa dhismaha Eastleigh Mall hoolkiisa weyn ee shirarka 9ka galabnimo ilaa 6da galabnimo waxaana ay ku saabsanaan doontaa sidii loo fahmi lahaa ahmiyadaha afafka hooyo ee dadyow kala duwan oo caalamka kunool gaar ahaan afka Soomaaliga, Kiswahiliga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Carabiga.

Sidoo kale ayaa waxaa Nairobi iyana ka dhici doonta 8da bisha Maarso xaflad kale oo loogu dabbaal dagayo Maalinta Haweenka Aduunka oo ku beegan maalintaa.

Xaflada loogu dabbaal dagi doono Maalinta Haweenka Aduunka ayaa lagu qaban doonaa dhismaha Eastleigh Mall hoolkiisa weyn ee shirarka 5ta galabnimo ilaa 8da fiidnimo ee 8da bisha Maarso.

Hal ku dhagga dabbaal daggaa ee Maalinta Haweenka Aduunka ee sanadkaan ayaa ah 'Sisterhood Solidarity' oo la macno ah 'Midnimada Dumarka Walaalaha ah'.

Gaar ahaan ayaa ururo Soomaaliyeed oo soo qabanqaabinaya xafladaa ay damacsan yihiin inay ugu dabbaal dagaan dadaalada dumarka Soomaaliyeed ee isku hawliya inay horumariyaan nolosha dumarka Soomaaliyeed.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]