4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Jimco, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz.

Kulankan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ugaga mahad celiyay dowlada Maraykanka taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay safiirka Maraykanka sidii ay u joogteyn lahaayeen taageerada ay siiyaan ciidamada dalka Soomaaliya ayna ka caawiyaan arrimaha bixinta mushaaraadka ciidanka iyo tababaridaba.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka uu maanta la yeeshay Madaxweyne Farmaajo,isagoo xusay in dowlada Maraykanka ay ka caawin doonto dowlada Soomaaliya arrimaha amniga iyo ciidamadaba.

Ugu dambeyntii Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa guddoonsiiyay Madaxweyne Farmaajo koofi ay ku qoran tahay halkudheg la mid ah tii ku galay ololaha doorashada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump “Make Somalia Great Again.” Oo ah “Soomaaliya waxay markale noqonaysaa mid Weyn.”

Kulankan ayaa waxa uu dhacay maalin kadib marka uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo waxana uu si xoog leh ugu tirtirsiiyay safiirka Maraykanka inay ka caawiyaan dowladiisa arrimaha dhaqaalaha ku baxa ciidamada dowlada.

Ugu danbeyntii, ciidamada dowlada ayaa si weyn u soo dhoweeyay doorashada Madaxweyne Farmaajo waxana daqiiqado kadib markii la doortay dhammaan gobolada dalka Soomaaliya ay si isku mid ah u taageereen ciidamada dowlada Madaxweyne Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]