4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2017
Somaliya oo si buuxda ula soo wareegaysa Maamulid-da Hawadeed iyo wasiir Jaangali iyo Madaxweynaha ICAO oo ku kulmay Montreal

/images/2017/Feb/

Jimco, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) –Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Somaliya Cali Axmed Jaamac “Jangali” ayaa shalay xarunta ICAO ee magaalada Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dhashay dalka Nijeria, waxaana  ka wada hadleen sidii dardar loo galin laha soo dhameystirka qalabka hagidda diyaaradaha ee loo iibinayo Soomaliya.

Qalabkaasi waxaa lagu rakabi doonaa siddeed garoon oo ka mid ah Soomaaliya iyo xarunta cusub ee laga hagi doono hawada Soomaaliya ee dhawaan laga dhisay Garoonka Muqdisho, ayadoo marka la dhameystiro ka dib ay Soomaaliya inta badan hawadeeda aanay ka dhici doonin xiriir xumo waayo qalabka cusub ee laga dalbay  Shirkad Talyaani ah ayaa ka dhigaya Soomaaliya  inay yeelato VHF Coverage taasoo Somaliya ay la mid noqonayso dhamaan dawlada deriska ah.

Waxay isla qaateen Wasiir Jangali iyo Guddoomiye Dr Aliu  in qalabkaani uu dabooli doono baahida xoojinta xiriirka hawada ee maamulka hawada Soomalia korna u qaadaysa shaqada loo qabto diyaaradaha dulmara Soomalia ayadoo nabdgalyadooduna ay wanaagsanaan doonto. Sidoo kale waxaa kordhi doono dhaqaalaha laga qaadi doono diyaaradaha isticmaala hawada Soomaliya.

Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in la dardargalin doono kobcinta aqoonta shaqaalaha iyo kuwa cusub ee la qorayo si marka loo guuro Muqdishu ay dawladda Soomaaliyeed noqoto mid isku filan.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan soona dhowaysay waqtigii hawada Somaliya laga hagi lahaa Somaliya. Waxa Wasiir Jangeli uga mahad celiyey Guddoomiyaha Golaha ICAO(ICAO COUNCIL) iyo madaxda ICAO wada shaqeyntii wanaagsanayd ee ay la lahayeen intii uu hayey xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Ugu danbeyn, wuxuu Guddoomiye Dr. Aliu ballan qaaday inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya  Mudane Moxamed Cabdillahi Farmaajo warbixin kaamil ah si dhakhso leh u soo siin doono.  

Hiiraan Online ,Montreal