4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Madaxweyne Farmaajo : Ciidammada Soomaaliya ayaan xoojineynaa

 Jimco, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khubad ka jeedinayay munaasabadii xil wareejinta maalintii shalay, ayaa sheegay in dowladdiisu xoogga saari doonto dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si looga maarmo ayuu yiri ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Waxaa uu si gaar ah ugu mahad celiyay ciidamada AMISOM oo sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha naftooda u huray nabada Soomaaliya.

‘’ Waxa la isa siiyo nafta ayaa ugu qaalisan ciidamada AMISOM naftooda ayeey noo hureen, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in la dhisi doono ciidamo Soomaali ah, kuwaasoo awood u yaalanaya in ay badalaan ciidamada nabad ilaalinta dalka u jooga ee AMISOM.

“Waxay ku noqon doonan dalalka ay ka yimaadeen,marka aan dhisno ciidamo xooggan oo Soomaali ah,”ayuu ku daray hadalkiisa Maxamed Cabdullaahi madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa wali la tacaalaya sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-shabaab oo weeraro kala duwan ku qaadaya saldhigyada ay degan yihiin ciidamada iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]