Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL ) -Kulankan oo ay Ka qeyb galeen qaar Ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu taageeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta Xilka madaxtinimo Dalka kala wareegay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Caasimada ah ee magaalada Muqdisho, ayaa intii uu socday haweenkii Ka hadlay waxa ay muujiyeen sida ay u taageersanyihin Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegay Ka Haween ahaan in ay garab taaganyihiin, waxaana ay Ka codsadeen in uu Ka dhabeeyo balanqaadyadiisii hore oo ay shacbiga Soomaaliyeed ay Ku taageereen.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabeelaha hoose Ikraan Axmed Gacal oo Ka hadashay kulankaasi ayaa Ka dhawaajisay in xiligan Dalka uu Ku tilaabsaday horumar balaaran, hogaanka dalkana uu Qabtay shaqsi Soomaalidu ay u riyaaqeen waxqabadkiisii hore hadana ay Ka rajeynayaan, mid taa La mid ah, waxaana umadda Soomaaliyeed ay ugu baaqday in ay La shaqeeyaan Madaxweyne Farmaajo oo sida ay sheegtay Ku yimid rabitaanka Shacabka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 8-dii Febraayo Xubnaha Xildhibaannada Labada Aqal ay u doorteen in uu hogaamiyo afarta sano ee Soo socota Dalka, ayaa maanta si rasmi ah xilka Xafiiska Madaxtooyada Villa Soomaaliya La wareegay, waxaanashaqada ugu horeysa ee Madaxweynaha Laga sugaa ay tahay Soo magacaabista Ra'isul Wasaare Soo dhisa Gole wasiiro.
Mustaf Xusseen Cabdulle
Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya







