Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah ula
wareegay xafiiska, kaddib xaflad kooban
oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku soo dhaweeyay
madaxweynaha la doortay xafiiska, halkaasi uu si rasmi ah howshiisa uga billaabi doono.
Xaflada la kala wareegidda Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumiyay
warbaahinta qeybaheedda kale duwan, waxaana astaanta calanka ka tumay ciidanka
bambeyda Soomaaliya.
Waxaa lagu wadaa in 22ka bishan maalinta Arbacada ah todobaadka danbe lagu
qabto magaalada Muqdisho munaasabada calleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo la
filayo in ay ka soo qeyb-gallaan wafuud heer caalami ah.
Ugu danbeyntii, la wareegista
xafiiska ee madaxweynaha cusub ayaa ka dhigan in maanta uu si rasmi ah u
bilaabayo howlihii shaqo ee Qaranka, madaama tan iyo markii la doortay 8dii bishan
uu si KMG ugu sii sugnaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]