4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2017
Abaarta ka jirta bariga Afrika oo ascaarta cuntada sare u qaaday

Khamiis, Febraayo 16, 2017 [HOL]-Abaarta ka jirta dalalka dhanka bari ee qaaradaan Afrika ayaa ascaarta cuntada sare u qaaday.

Quutul daruuriga sida masagada iyo galleyda ayaa sare qiimahoodu u kacay sida hayada cunnada ee FAO ay sheegtay.

Dalalka abaartu saamaysay ee mandaqada ayaa ah Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Koofurta Suudaan, Tanzania iyo Uganda. Qoysaska ayaa iminka culeys dhanka cunnada ah uu soo food saaray.

Ilaa 15 malyan oo qof ayaa abaari faro kulul ku heysaa dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo qura.

 “Sare u kaca qiimaha raashinka ee aadka ah ayaa dhib ku haya qoysas badan,” sidaa waxaa yiri Mario Zappacosta, oo ka tirsan FAO.

Dhanka kale, ergeyga Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ku baaqay in wax laga qabto abaarta Soomaaliya si loo baajiyo macaluul.

Durba nafaqo darro ayaa dad ugu le'deen qeybo ka tirsan Soomaaliya. Hataan ayuu Nicholas Kay ka digay in hadii aan tillaabo dagdag ah la qaadin kumanaan qof macaluuli dili doonto.

Sanadihii 2010-2012 ayaa Soomaaliya abaar ba'an oo tan la mid ah ay soo martay kuna dishay boqolaal kun oo qof.

Abaarta hada jirta ayaa soo bilaabatay sanadkii 2015 bishiisii Agoosto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]