4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo mar kale la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya


Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta mar kale xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud , waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Prof Max’ed Cismaan Jawaari.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada dalka uu marayo iyo xil wareejinta lagu wado in ay dhacdo maalinta berri.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay munaasabada caleema saarka oo lagu wado inay dhacdo 22ka bishan oo ku beegan arbacada soo socda iyo qaban qaabada dowladda ku jirto.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ku guda jira maalmihii u dambeysay ee Villa Somalia, iyadoo lagu wado in maalinta berri uu wareejiyo xafiiska.

Ugu danbeyntii, kulamadan ayaa qeyb ka ah talaabooyinka loogu sii gogol xaarayo sidii madaxweynaha cusub ula wareegi lahaa xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo uu sii baneynayo madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]