4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku degtay xeebaha dalka Yemen

Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Doon ku soo wajaneyd dekedda degmada Hobyo ee koonfurta gobolka Mudug ayaa ku degtay xeebaha dalka Cumaan,sida laga soo xigtay ganacsatada ay doonida u rarneyd.

Waxaa lugu sheegay sababta ay doonta u degtay roobab xoog leh oo ku dhuftay,waxaana la badbaadiyay dhamman dadkii saarnaa,laakin waxaa meesha ku quusay badeecadii ay doonidu sidey.

Cabdifitaax Xuseen Sheekh oo ka mid ahaa ganacsatada ay doonta u rarneyd, ayaa sheegay sheegay in ay siday agab u badnaa gaadiid, waxaana khasaaraha hanti ee halkaasi ka dhashay uu ku sheegay in ay gaareyso 2 milyan oo doollar.

“Aniga waxaan kamid ahaa ganacsatadii u rarneyd doonidan, waxaa saarnaa alaab u badan gaadiid, xalay ayaa si lama filaan ah waxaa ku dhuftay roob xooggan oo dabeylo watay, mowjado ayaana ku kacay.” ayuu yiri Cabdifitaax oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahnta gudaha.

Ugu danbeyntii, inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku waaya hanti badan shilalka ka dhaca badda,inta badan badeecadda timaada dalka ayaana lugu keena doomo ka soo shiracda waddamada khaliijka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]