Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay xaafadda Xaaw Taako ee magaalada Beledweyne, xili ay halkaa marayeen ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya.
Lama sheegin ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa oo siweyn looga wada maqlay guud ahaanba xaafadda ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.
Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah wadadda isku xirta magaalada iyo deegaanka CeelJaalle oo saldhig u ah ciidamada AMISOM ayaa waxaa howlgal ballaaran ka wada ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.
Ma jiro iyo ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saaraakiisha ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan.
Wixii faah faahin ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin [email protected]