4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Hayada CARE oo sheegtay in loo baahan yahay in abaarta Soomaaliya dagdag wax looga qabto

 

Arbaco, Febraayo 15, 2017 [HOL]-Hayada CARE ayaa sheegtay in loo baahan yahay in abaarta Soomaaliya si dagdag wax looga qabto hadii kale xaaladu ay kasii dari karto.

Si kastaba ha ahaatee, waxay intaa ku dartay in si wax looga qabto abaarta ba'an ee Soomaaliya ay tahay in qarash laga helo deeqbixiyeyaasha. Waxay sheegtay in malaayiin qof ay gargaar u baahan yihiin guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxaa ay sheegtay hayadaasi in raashin yari ay mandaqada iminka ka jidho. Waxay intaa ku dartay in hadii indhaha laga eegto balse aanan loo bixin ay macaluuli mar kale ka dhici karto Soomaaliya.

Waxay CARE sheegtay in Soomaaliya abaari ka jirto iminka labo sanoo oo xiriir ah.

Jidka isku xira Sool, Sanaag iyo Bari ayaa xoolo baqti ah hareerihiisa ay dhooban yihiin.

Xoolaha ayaan beec wanaagsan lahayn gudaha Soomaaliya ayadoo qiimaha raashinkuna cirka isku shareeray.

Abaarta ayaa saamaysay ilaa 15 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]