4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Maqaakhyada Afro Deli Minnesota oo farac kale la furay


Talaado, Feberaayo, 14, 2017 (HOL) – Afro Deli waa maqaayad uu lee yahay ganacsade Soomaaliyeedoo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Kaahin waxayna marar badan ku guulaystay abaalmarino la siiyo ganacsatada,waxaa in badan qoraalo iyo barnaamijyo ka sameeyay warbaahinta waawayn ee Maraykanka ,waxaa sidoo kale booqda Madax kala duwan oo heer faderal iyo kuwa gobolka ah ,iyadoo inta badan lagu amaano qaybta ganacsatada yaryar ama horemarka dadka soo galootiga ah,

AFRO DELI ayaa shalay farac kale laga dhex furay meel aad ugu dhow Jaamacadda Minnesota UofM, waxaa furitaankeedii ka soo qaybgalay Senator Kari Dziedzic oo madasha xaafadda 60 oo ah meesha laga furay maqaayadaa iyo Siyad Cali oo ah xubin golaha Waxbarashadda MPLS

Senator Kari ayaa sheegtay in ay aad uga faraxsantahay ka soo qaybgalka furitaanka Afro Deli waana horemar usoo hoyatay xaafada 60 waana soo dhaweenaynaa, Siyad Cali ayaa sheegay in Afro Deli ay tahay waxyaabaha ay ku fanaan Soomaalida Minnesota , markaad aragto dad wadankan u dhashay oo sidaa cunto soomaali saf ugu jira saanbuus iyo bariis soomaali jeclaaday waa wax aan iyaduna ku soo kordhinay Minnesota,

Cabdiraxmaan Kaahin ayaa HOL u sheegay in dhawaan ay ku talo jiraan in qayb kale laga furo faras magaalaha MPLS , waxaan ku dadaalnay in macaamiisha aan siino cunto tayo leh taas ayaana nagu dhiira galisay inaan faracyo badan furno

Siyad Said Salah

[email protected]

HiiraanOnline

Minneapolis MN