4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Dibadbax looga soo horjeedo colaad ka taagay gobolka Sool oo ka dhacay Laascaanood


Talaado, Feberaayo, 14, 2017 (HOL) – Dibadbax looga soo horjeedo colaad dad badan salfatay oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnayd koonfurta gobolka Sool ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood.

Isu soo baxan oo ay soo qabanqaabiyeen ururada dhalinyarada, Urarka Saxaafadda iyo haweenka ayaa socod lug ah ku maray inta badan jidadka magaalada Laascaanood iyagoo ugu danbayntii ku soo gabagabeeyey degaanada ay labada beelood wada degaan ee koonfurta magaalada.

Qudbado kala duwan oo dhamaantood lagula hadlayey labada Beelood ee walaalaha ah ee colaadu dhexmartay ayaa laga soo jeediyey iyadoo xusuus uga dhiga dhigayey wanaagii hore ee u dhaxayn jirey.

“Waxaad ahaydeen Walaalo, waxaad tihiin Xidid, Abti, Seedi iyo wax kasta oo dad isjecel wadaagaan waad wadaagtaan, shaydaan ayaa idinka dhex shaqaystay ee iska naara oo iska fogeeya, xusuustana ciqaabta maalinta Danbe” sidaa waxaa tidhi Maryan Maxamuud oo haweenka afkooda ku hadlaysey.

C/raxmaan Cali Ducaale iyo C/qani Xasan Geerash oo ku hadlayey Bahda Saxaafadda ayaa waxa ay sheegeen in aan hada wixii ka danbeeya la eegan Karin dhibaatada ka dhex taagan labada beelood, iyagoo xusay in haatan ay gaadgey in caruurtii laga saaro iskoolada.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool Ibraahin Jaamac Daad ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada taagan ay haatan tahay mid ka balaadhan mid ciidanku xakamayn karo, waxana uu ugu baaqay in wadahadalka miiska nabada lagu soo noqdo.

Qaar ka mid ah bahda Suugaanta oo ugu mudnaa Abwaan Jaamac Kediye ayaa halkaa hadalo dardaaran, waxsheeg iyo tusaalayaal kala duwan suugaan ku soo bandhigay.

Inkasta oo meelaha qaarkood ay kala kulmeen dadka banaanbaxayey rabshado dhagax loo adeegsadey oo labada beelood qaarkood dhalinyaro ka mid ahi kala horyimaadeed ma dhicin wax khasaare ah oo la sheego marka laga reebo laba qof oo dakhar soo gaadhey.

Si kasta ha ahaatee waxa uu isu soo baxani noqday mid sidii la rabay u dhacay, waxaana uu soo jeediyey indhaha bulshada iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay dagaalo qasaare dhimasho, dhaawac, mehersdo la baabiiyey iyo barakacba uu ka taagnaa, waxaana rajo laga qabaa in markale loo tabaabulshayto sidii miiska wadahadalka laysugu soo celin lahaa waxgaradka labada beelood.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool