4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay xubno ka soo goostay Al-shabaab

Talaado, Feberaayo, 14, 2017 (HOL) -  Labo xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al shabaab, ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaaladda Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Masuuliyiinta dowladda ee Magaaladda Baydhaba, ayaa sheegay in labada askeri ay wateen qoryo iyo rasaas, waxaana ay ciidanka lasoo xiriireen ka hor inta aysan kasoo tagin al shabaab.

Taliyaha Booliiska qeybta Bay, Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan, si dagaalamayaasha kale ee al shabaab ugu soo dhiiradaan in ay ciidanka dowladda usoo galaan.

Labda askeri ee isasoo dhiibay ayaa waxaa magacayadooda ay ku kala shegeen Isaakh Boorow iyo Maxamed Cali, waxaana ay ka dagaalamayeen deegaano ay al shabaab ka maamulaan goboladda Gedo, Jubada hoose iyo Jubada dhexe.

Degaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya, waxaa si weyn uga dagaalama Al shabaab.

Hassan Istiila

[email protected]