Gollaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Muqdisho
Talaado, Feberaayo, 14, 2017 (HOL) - Golaha Wasiirada
Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada
Muqdisho ayaa waxay kaga doodeen miisaaniyada sanadka 2017 iyo ansixinta xisaab-xirkii
Miisaaniyaddii 2016.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen
in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan si looga feejignaado
in hawlaha dawladda ay istaageen, maadaama miisaaniyadda hadda jirtaa ay ku
egtahay bisha March.
Miisaaniyadda ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ahaa kharashka
Aqalka sare, Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaanyidda
Qaranka oo la horgayn doono Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Baarlamaanka ayaa dhowaan celiyay miisaaniyada sanadka 2017 oo uu horgeeyay
Wasiirka Maaliyadda, taasoo aheyd mid lagu jaan-gooyay miisaaniyada sanadkii
hore.
Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeri ayaa golaha warbixin ka siiyaay
xisaab-xirkii Miisaniyaddii 2016, sidoo kalena Goluhu wuxuu ansixiyay
Xisaab-Xirka iyaga oo u gudbiyay Golaha Shacabka.
Golaha Aqalka sare oo ku soo biiray golayaasha dowladda ayaa heli doona
miisaaniyad gaar ah, inkastoo Aqalka sare mushaaraadka ay ku leeyihiin Maamul
goboleedyada laga soo doortay.
Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in la hor-geeyo Miisaaniyada sanadka
2017, si ay uga doodaan, ka hor inta aanay meel marin.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha
Dekadaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Maaliyadda u saaray in ay xaliyaan
cabashada ka timid qaar kamid ah shaqaale ka shaqeeyn jiray Dekadda Muqdisho oo
maanta baanaanbax sameeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]