Ciidamada dowladda oo isku diyaarinaya weerar ka dhan ah degmada Xarardheere ee gobolka Mudug
Talaado,
Feberaayo, 14, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaqdhaqaaq
ciidan oo ka dhan ah degmada Xarardheere
ee gobolka Mudug iyo duleedka ka ah oo
mudo dheer ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Wararku waxaa ay sheegayaan in
dhaqdhaqaaqan militari wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo
sidoo kale ay gacan siinayaan ciidamo ajnabi ah oo laakiin aan la sheegin
dowladda ay ka socdaan, kuwaa oo qorshahoodu yahay in ay la wareegaan gacan ku
heynta degmada Xarardheere.
Ciidamada howlgalka isku diyaarinaya
ayaa qaarkood ku sugan hadda deegaanka Ceelhuur oo ku dhow degmada Xarardheere.
Sidoo kale cidamo kale oo qeyb ka ah
isla howlgalkan ayaa la sheegay in ay ka dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Camaara,
kuwaa oo ku hubeysan gadiidka dagaalka.
Al-shabaab ayaa dhinacooda wada
dhaqdhaqaaq ay doonayaan in ay isaga difaacaan gulufka dagaal ee uga soo foolka
leh ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, dadka degmada
Xarardheere oo ka baqaya dagaalka ayaa bilaabay in ay ka barakacayaan degmada,
kadib markii ay ka warheleen qorshaha ciidamada ay ku doonayaan inay kula
wareegaan degmadaasi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]