4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Arday Soomaali ah oo booliska Suudaan uu u xiray qarax ka dhacay caasimada Khartoum

 

Talaado, Febraayo 14, 2017 [HOL]-Booliska dalka Suudaan ayaa xiray ajaaniib ay ku jiraan arday Soomaali ah, caasimada Khartoum.

Arinkaa ayaa yimid kadib markii qarax uu ka dhacay dhisme ajaaniib ku noolaayeen halkaa oo ardaydaa Soomaalidu ahna qeyb ka daganaayeen. Dhismahaa ayaa qarax uu ka dhacay Axadii lasoo dhaafay.

Markii qaraxu dhacay kadib ayaa boolis ay galeen dhismahaa ayagoo kasoo helay walxaha qarxa iyo baasabooro dad ajaaniib ah ay leeyihiin.

Dad kale oo wax ku noqday majiraan balse qof dhaawac ah oo loo maleeyay inuu ahaa kii samaynayay qaraxaa ayaa isbitaalo dawo u doontay kadibna laga diiday in la daweeyo.

Si kastaba ha ahaatee, qofkaa ayaa wali aanan gacanta lagu soo dhigin oo baxsad ah isla markaana dhuumasho ku jira isla gudaha caasimada Khartoum.

Xaafada dhismahaasi ku yaalo ayaa dadka daggan ay sheegeen in dhismahaa ay ku noolaayeen dad isugu jira Masaari, Soomaali iyo weliba Suuriyaan.

Soomaalida ayaa la sheegay inay qeybta dhexe ee dhismahaa oo dabaq ah ay daggan yihiin halka qaraxuna ka dhacay qeybta sare ee dhismahaa.

Si kastaba ha ahaatee, safaarada Soomaaliya ee Khartoum Suudaan ayaa sheegtay in ardaydaasi waxba aysan galabsan qaraxana aysan lug ku lahayn balse ay galeen dadkii ajaaniibta ahaa ee booliska halkaa uga kaxeysteen si su'aalo loo weydiiyo lana soo sii deyn doono.

Suudaan waxaa kunool kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo wax ka barta jaamacadaha dalkaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]