4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Munaasabad lagu soo dhaweynayay doorashada madaxweyne Farmaajo oo ka dhacday magaalada Phoenix USA


Talaado, Feberaayo, 14, 2017 (HOL) -Munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha la doortay ee Soamaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi (Farmaajo) oo ka dhacday Phoenix Arizona USA.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taagero buuxda u mujiyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Mustafe Xaaji Af-Balaadh Gudoomiyaha Somali Association Of Arizona oo ku hadlayay magaca dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda, wuxuuna u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen Magaalooyinka kala duwan ee Gobalka Arizona.

Intaas kaddib Musatafe Xaaji waxaa uu sheegay in munaasabadda ay u qabteen in ay taageeraan dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxda tayada leh ee la doortay, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u rajeeyay in uu Allaah u fududeeyo xilka loo doortay. Sidoo kalena wuxuu bogaadiyay madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxmuud oo uu halyeey Soomaaliyeed ku tilmaamay, isagoo xusay in Xasan Sheikh Maxamuud iyo xukuumadihii la soo shaqeyay ay soo gaarsiiyeen dalka meel ay dadka Soomaaliyeed dhammaantood ku niyad-weyn yahiin.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Cabdifitax Ahmed Cabdikariin wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta heystaan fursad ay kula shaqeyn karaan dowladda Somaaliya maadama la doortay Madaxweyne ku yimid rabitaanka bulshada Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu intaas ku daray Cabdifitaax in dadka Soomaaliyeed ay u gurmadan sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Qaran oo ay yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya mushaarkodane ay bixiyaan Jaaliyadaha dibada.

Dhanka kale waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Munaasabadda loogu dabaal-dagayay Madaxweeynaha la doortay ee Soomaaliya (Farmaajo) Sacdiyo Abdirizaq oo ka mid aheyd madax Jaaliyadda Soomaaliyed ee Arizona oo tilmaantay in maanta ay Soomaaliya Fursad u heysato sidii ay cagahooda dib isugu soo taagi lahaayen lana jaan qaadi lahayen caalamka intiisa kale.

Col Jamac Bariir oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamaddii Soomaaliya ayaa isagana munaasabadda ka hadlay, wuxuuna talo u jediyay madaxweynaha la doortay in la soo celiyo saraakiishii hor ee ciidamada, lana howlgeliyo, wuxuuna madaxweynaha ka codsaday in uu arrimaha amniga xoogga saaro iyo dhaqaalaha si macluush iyo Ciidan la,aanta Soomaaliya looga samata-bixiyo

Ugu dambeyntiina waxaa si wada jir ah munaasabadda usoo gabagabeyay madaxda Jaaliyadda Soomaalyeed ee Somali Associan Of Arizona Hambalyo iyo Bogaadine u jeediyay Madaxweynaha Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Baarlamanka Soomaaliyeed ee la doortay.

Abdulrahman D Nur

[email protected]

[email protected]

Hiiraan Online Phoenix Arizona