4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Reer waqooyi-bari Kenya oo geel iyo lacag u hibeeyay madaxweyne Farmaajo

 
Talaado, Febraayo 14, 2017 [HOL]-Reer waqooyi-bari Kenya gaar ahaan odayaal kasoo jeeda degmada Mandheera ayaa geel iyo lacag u hibeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Geelaa ayaa shalay odayaasha Mandheera ay ku wareejiyeen maamulka degmada Balad Xaawo. Waxay sheegeen in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo uu yahay madaxweyne shacabku taageersan yahay isla markaana leh aqoon iyo xilkasnimo uu ku samata bixiyo dadka iyo dalka Soomaaliya.

Odayaashaa Soomaaliyeed ee reer waqooyi bari Kenya ayaa muujiyay dareen Soomaalinimo ayagoo sheegay in ay dareensan yihiin in samatabixinta Soomaalida iyo Soomaaliya ay u taalo Soomaali oo idil meel kastaba ha joogtee.

Dhan kale, sida Soomaaliya dadka jooga ay ugu dabbaal dageen doorashada dhawaan la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa Kenyana loogu dabbaal dagay.

Meelaha laga soo dhaweeyay doorashadii dhawaan la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo oo loogu dabbaal dagay ayaa waxaa kujira isla Mandheera Kenya iyo weliba degmada Gaarisa.

Degmada Gaarisa oo qura ayaa waxaa la sheegay inay isku soo baxeen dad tiradooda lagu qiyaasay nus milyan qof kuwaasoo u dabbaal dagaayay doorashada dhawaan la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]