4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Hoggaamiyeyaal kasoo jeeda waqooyi bari Kenya oo dhaleeceeyay KDF kadib markii KDF ay rasaas ku fureen bas

Talaado, Febraayo 14, 2017 [HOL]-Hoggaamiyeyaal kasoo jeeda waqooyi bari Kenya ayaa dhaleeceeyay ciidamada KDF kadib markii KDF ay rasaas ku fureen bas dad rayid ah siday.

Baskaa ayaa marayay inta u dhexeysa magaalada Dadajabula iyo tuulada Sarif ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ee Soomaalidu dagto.

Hal qof ayaa baska ku dhintay dad badan oo kale oo rakaab ahaana waa dhaawacmeen. Falkaa ayaa dhacay Sebtidii aanu soo dhaafnay walow warbaahintu iminka kusoo baraarugtay kadib dhaleeceynta hoggaamiyeyaasha waqooyi bari ka timid.

Baskaa ayaa ka tagay magaalada Dadajabula wax yar ka hor intii ciidamada KDF aysan xabbadeyn.

Aabaha dhalay qofka la dilay oo ahaa nin lagu magacaabi jiray C/Fataax oo hawl u hayay baska Sagal Bus ayaa iminka doonaya in dawlada Kenya ay sharraxaad ka bixiso dilka wiilkiisa loo geystay.

Hoggaamiyeyaasha waqooyi bari Kenya ayaa iyana sheegay in ay xaqiijin doonaan in askartii falkaa ka dambeysay caddaalada la horgeeyo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]