4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Burcad badeed Soomaali ah oo sii deysay badmaaxiin reer Iran ah

 

Talaado, Febraayo 14, 2017 [HOL]-Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii deysay badmaaxiin reer Iran ah; kuwo kale oo isla dalkaa kasoo jeeda ayay wali heysaa.

Kuwa lasii daayay ayaa dhan 8. Sidaa waxaa xaqiijiyay xildhibaan reer Iran ah. Wuxuu sheegay in wali ay socoto waan waan lagu damacsan yahay in inta kalena lagu soo daayo.

Wuxuu xildhibaankaa oo lagu magacaabo Ali Yar Mohammadi sheegay inay raggaasi iminka kusugan yihiin safaarada Senegal ee kutaala Muqdisho Soomaaliya.

Ragga reer Iran ah ee wali burcaddu heysato ayaa ah 12 kale. Burcad badeeda ayaa sheegtay inay u baahan tahay lacag badan oo madax furasho ah in laga siiyo.

Sanadihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay ayay falalka burcad badeeda Soomaalida ah ee ka aqdaanta badda Soomaaliya gaar ahaan gacanka Cadan ay hoos u dhaceen kadib dadaalo badan oo beesha caalamku samaysay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]