4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2017
Maxkamada Militariga ee Puntland oo 7 al-Shabaab ah ku Xukuntay Dil

Talaado, Febraayo 14, 2017 [HOL]-Maxkamada militariga ee Puntland ayaa 7 qof oo al-Shabaab ka tirsan ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadaa oo kutaala Boosaaso ayaa raggaa oo dhallin yaro ah ku xukuntay dilka shalay. Sidaa waxaa xaqiijiyay C/Fataax Xaaji Aadan, guddoomiyaha maxkamadaa.

Wuxuu intaa ku daray in ragaa lagu helay inay ka tirsanaayeen rag si kadis ah u bartay inay ku dilaan saraakiisha dawlada Puntland.

Waxaa ay heystaan oo maxkamadu siisay 30 cisho muddo ah oo ay xukunkaa racfaan uga qaadan karaan.

 

Dhowr jeer ayaa lagu laayay saraakiil ka tirsanaa dawlada Puntland qeybo ka tirsan Puntland.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]