Sabti, Feberaayo, 11,
2017 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa beeniyay in
heshiis milateri ay la saxiixdeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib
markii dhowaan heshiis la saxiixdeen shirkadda DP World oo maamuli doonta
Dekeda Berbera.
Wasiirka ayaa sheegay in arrinta saldhiga Milateri aanay aheyn arrin qaran, balse ay tahay Arrin gobolka oo dhan quseysa, isla markaana ay kala hadleen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.
“Wax heshiis ah oo ilaa aan saxiixnay ma jiro, cid aan la gaarnayna ma jirto, umad walba danteeda ka talisaa, arrinta saldhiga ma ahan arrin qaran kaliya, waa arrin gobol, dabcan Jabuuti iyo Itoobiya waa ka wada hadalnay, waa ku wargelinay”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire.
Waxaa uu sheegay in ay leeyihiin go’aanka cida ay heshiiska la saxiixanayaan, balse aanay marnaba ku talineyn wax lid ku ah danta iyo sumcadda Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay inay kula kulmeen magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailmariam Desalagn, iyagoo ka wada hadlay xiriirka u dhaxeeya.
Ugu danbeyntii, Somaliland ayaa sanadkii hore heshiis la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo shirkan lagu wareejiyay Dekeda Berbera, hase ahaatee waxaa la sheegay in heshiiskaas uu bar bar socod, saldhig Milateri oo Imaaraadka Carabta ka sameystaan Berbera.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]