Mid ka mid xaafaddaha Beledweyne oo laga qaaday xayiraad mudo afar bilood ah saarneyd
Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) – Maamulka gobolka Hiiraan
ayaa soo afjaray xayiraad ama bandow ku dhawaad afar bilood lagu hayay dadka ku
dhaqan xaafadda Buundoweyn gaar ahaan laanta Isbartiibo ee magaalada
Beledweyne, kadib markii xaafadda sanadkii hore kooxo hubeysan ku toogteen labo
askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.
Dadka ku dhaqan xafadda oo dhibaato xoog leh arinta ku qabay
ayaa siweyn u soo dhaweeyay go’aanka uu qaatay maamulka oo sheegay in wixii
hadda ka danbeeyay la geynayo xaafadda Buundoweyn ciidamo booliis ah oo amniga
suga.
Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali
Cabdulle ayaa sheegay in beeniyay in bandow uu saarnaa xafadaas marka laga
reebo ayuu yiri ciidamo howlgal ka sameeya.
‘’Xaafada Buundoweyn wax bandow ah oo saarnaa
ma jirin, laakiin kadib markii ay dhowr mar falal amniga ka dhan ah ka
dhaceen ayeey ciidamada bilaabeen in ay howlgal joogta ah ka sameeyaan, dadkana
markii ay arkaan ciidamada ayeey guryahooda isaga xaroodaan, marka bandow
xaafadaa gaar u ahaa ma jirin’’ ayuu yiri taliyaha.
Waxaa uu sheegay taliyaha in markii hore amniga xaafadda
Buundoweyn ilaalin jireen ciidamo militari ah, laakiin hadda lagu soo wareejiyay
nabad-galyada xaafaddaasy ciidamada booliiska gobolka
Hiiraan.
Ugu danbeyntii, dadka rayidka ah ayaa sheegay in mudadii ay
xayiraada saarneyd dhibaato weyn oo dhinaca nolasha ah ku qabeen, gaar ahaan
ganacsiga xiliyada habeenkii oo ay saameyn weyn ku yeelatay arintan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]