4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay ku-xigeenka QM Peter De CIracq


Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa, Garowe kulan kula qaatey Wafdi u hogaaminayay ku xigeenka QM u qaabilsan arimaha soomaaliya Peter De Clracq ahna Madaxa Arimaha Bini'aadantinimada QM ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa warbaahinta oo kulankaasi banaanka ka joogtey markii uu so gabo-gaboobey u sheegay in ay ka wada hadleen wafdigan ka socday QM arimo badan oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya.

Sidoo kale,Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Wafdiga ku xigeenka QM u qaabilsan arimaha soomaaliya Mr. Peter De Clracq ahna Madaxa Arimaha Bini'aadantinimada QM ee Soomaaliya in u gudbiyay heerka ay marayso Xaalada Abaareed oo ku soi arakay qaar ka mid deegaannada Goballada karkaar iyo Bari ee Puntland.

'' weftga waan uga waranay xaalada abaareed ee dalka ka ka jirta iyo wixii aanu ku soo aragnay degaanadii aanu kormeerka ku tagnay, sidoo kale wan uga waranay in sidii larabay ama ay ahaydba in beesha caalamku arintaa uga jawaabto madaama aanu ka hadalay wakhti hore abaarta ka jirta Puntland, dhankooda iyana waa ay garaabeen laftoodu maadaama ay iyana ku xidhan yihiin wadamada deeqda bixiya, hadana wixii ay hayaan oo suurtogala waan ka rajaynaynaa inay lasoo gaaraan dadka abaartu samaay ha ahaadeen kuwa ku soo hamaamay Puntland iyo kuwa reer Puntland-ba'' ayuu yir Gaas

Dhnaca kale,ku xigeenka QM u qaabilsan arimaha soomaaliya Mr. Peter De Clracq ahna Madaxa Arimaha Bini'aadantinimada QM ee Soomaaliya ayaa dhinciiisa Xusay in QM ka qayb qaadanayso abaaraha ka jira guud ahaan Soomaaliya ayna ku bixinayso caawimaada dadku abaaruhu saameyen lacag dhan 35 million oo Dollar.

Ugu Danbayntii,Kulankan ay wadaqaaten ku xigeenka QM u qaabilsan arimaha soomaaliya Mr. Peter De Clracq iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa ku so beegmaysa iyadoo ay sii xoogaysanayaan abaaraha ka jira Soomaaliya,taaso maraya in Duunyadii iyo Dadkiiba ay gaajo iyo oon u dhintaan.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya