4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Guddoomiyaha Guurtidda“Xisbiyaddu talo soo jeediyeen, taladoodana waa la tixgalinayaa”

 Arbaco,Febraayo ,1 , 2017 (HOL) – Gudoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inuu tixgalin doonaan soo jeedinta xisbiyadda ee mudadda lixda bilood ee ay isku afgarteen in doorashadda dib loogu dhigo.

Gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo doraad wadanka yimid ayaa sheegay haddii abaartu jabto in doorashadda la gali doonno.

“Abaartu haddii ay jabto doorashadda waa la galayaa, haddii ay jabi waydo ilaahay ha inaga jabiyee, waxba inaga hadhi maayaanne haddii roob fiicani da’o waa laga gaadhsiin karaa,”ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan oo wax laga waydiiyey wakhtida lagu waddo inay doorashaddu dhacdo.

Mar wax laga waydiiyey soo jeedintii xisbiyadda inay ku raacsan yihiin iyo in kale, waxa uu yidhi “Xisbiyaddu talo soo jeediyeen, taladoodiina waa la tixgalinayaa, dee ha la gaadho,”

Ugu danbeyntii, inkastoo su’aalo dhowr ah la weydiiyay hadana gudoomiyaha golaha guurtiddu si kooban ayuu uga jawaabayey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland