4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Kumanaan dibadbaxayaal ah oo xalay isugu soo baxay aqalka looga arimiyo magalada Columbus Ohio


Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) -Dibad baxayaal aad u badan oo kor u dhaafayay kumanaan ayaa Xalay isugu soo baxay aqalka looga arimiyo magalada Columbus Ohio ,  kuwaas oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah go'aamo uu dhawaan soo saaray madaxweyne Trump .

Iyada oo cimiladu aad u xumayd uuna jiray qaboow aad u daran hadana dadku saacad walba waa ay sii kordhayeen ilaa ay goobtu soo buux dhaaftay.

Dibad baxayaasha oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda Mareykankaa ayaa waxa ay lulayeen boorar iyo halku dhigyo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan in Mareykanka laga mamnuuco soo galootiga, in la bar tilmaameedsado dalalka qaar, in diimaha qaar loo arko kuwo lidi ku ah amaanka Mareykanka iyo in darbi laga dhiso xaduuda maksiko ay la wadaagto Mareykanka.

Halku dhiggyada ay wateen waxaa ka mid ahaa. Mareykan waa dhulkii soo galootiga, Darbi Maya, Xayiraad Maya, Qaxootiga waan ku soo dhaweynaynaa dalkeena, Nacayb maya, Kala sooc maya, Midnimo Haa. Qooysaska hakala geeyn, Awooda dadkaa iska leh iyo kuwo kale oo badan.

Mudo markii ay joogeen barxada weyn ee aqalka looga arimiyo Columbus waxa ay u dareereen Maxkamada gobolka oo ay iyana horteeda taagnaayeen in cabaar ah.

Waxaa cariiri noqday in gaadiidku ay isticmaalaan wadooyinkta bartamaha Columbus, maadama kumanaan dad weynaha ah ay wadooyinka socod ku marayeen.

Ciidanka booliska ayaa aad amaanka u sugayay iskuna dayay in xaalada amaan aysan wax saamayn ah ku yeelan dibad baxyadani.

Inkasta oo ay Soomaali dhalinyaro u badan ka soo qeyb galeen hadana wey adkeyd in ay Soomalidu si fudud iskugu arkaan goobta banaanbaxa maxaa yeelay waxa qariyay tirada dadka kale oo marka loo eego Soomaalidu ay noqonayaa tiro aan la sheegi karin.

Banaanbaxan oo qeyb ka ah banaanbaxyo hareeyay Mareyanka tan iyo markii la doortay madaxweyne Trump waxa ay muujinayaan sida dalka Mareykanka uu u yahay dalkii soo galootiga....

Lama oga inta ay sii socon doonaan banaanbaxyadani waloow ay jiraan dad aaminsan in la sii wado inta laga helayo isbadal markale uu ku dhawaaqo madaxweyne Trump.

Bashiir Taajir & Deeqo SONNA