4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2017
Koonfur Galbeed 1-0 uga badisay xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle

 

Sabti, December, 09, 2017 (HOL) – Cayaartooyda kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa 1-0 uga badisay Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle lugtii labaad tartanka Maamul gobolleedyada dalka.

Daawashada Cayaarta waxaa ku sugnaa madaxweynayaasha labada maamul Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Maxamed Cabdi Waare oo mid walba Wareysi kooban uu ku sheegay in ay guul u rajeynayaan maamul gobolleedyada.

Ciyaarta ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan hase ahaatee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda xulka Koofur Galbeed waxaa ay dhaliyeen Goolka guusha.

Maalintii shalay waxaa ay lugtii hore ee cayaarta dhaxmartay Banaadir iyo Jubbaland, waxaana ay cayaartaa ku so idlaatay 2-1 oo ay ku badiyeen kooxda Kubadda Cagta Banaadir.

Maalinta Berri ah wax Cayaar ah ma jiri doonto halka maalinta Isniinta ah ay is arki doonaan Galmudug iyo Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]