Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga
Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo
mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga
iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal
bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri
“kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi
maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa
hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi
dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto
dheer ka yeelannaa.“
Madaxweyne Farmaajo ayaa madasha ku
soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi
iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso
in dhidibada loo taago.
“Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska
dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha
maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu
dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka
taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka
baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya
kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha,
beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga
tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]