4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2017
Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabada maalinta Qowmiyadaha Itoobiya Video

 https://hiiraan.com/images/2017/Dec/

Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya, isagoo matalayay dowladda Soomaaliya.

Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Samara ee gobolka Cafarta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo horay uga soo baxay Jaamacad ku taal Itoobiya ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku furay afka Amxaariga oo uu ku salaamay madaxdii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabadda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa Salaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo u diray dhamaan madaxda iyo shacabka qowmiyadaha Itoobiya, isagoo boggaadiyay horumarka iyo n

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]