4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2017
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Baay

 

Sabti, December, 09, 2017 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed weerar ku qaadeen Saldhig Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka degmada Buur-Hakabo ee Gobolka Baay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaal halkaa ka dhacay galinkii danbe ee shalay lagu dilay Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinta u sheegay dagaalkaasi inay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ciidamada Koonfur Galbeed ay soo furteen qoryo ay ku dagaalamayeen Shabaabkii ay dileen sida uu xaqiijiyay Sarkaalkaasi.

Ciidamada Koonfur Galbeed oo ka ambabaxay Magaalada Buur-Hakabo ayaa dib ugu soo laabtay Magaaladaasi, kadib dagaalkii ay ku qaadeen Shabaab.

Al Shabaab kama aysan hadlin illaa hadda labadan askari ee looga dilay dagaalka dhexmaray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]