3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay shirka Ganacsiga Africa

 

Sabti, December, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka Ganacsiga Afrika, oo ka dhacay magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar, kaasoo ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ganacsiga ee ka jira qaaradda Afrika, maalgashiga iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga yar yar ee ka jira Qaaradda.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa yiri ‘’ Waxaan ka qeybgalay shirka Madasha Dhaqaalaha ee Africa oo ka dhacay magaalada Sharma Elsheikh, waxaan maalgashadayaasha Africa iyo kuwa Caalamkaba u sheegaynaa in Soomaaliya ay u furantahay maalgashi, xukuumaddeennu waxay diyaar u tahay cid kasta oo maalgashanaysa Soomaaliya, waxaana ku soo dhaweynaynaa gacmo furan si aan dalkayaga u horumarinno, lana dagaallano saboolnimada, shaqo abuurna ugu sameyno dhalinyaradeenna.

 

Shirka oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ganacsato caan ka ah Qaaradda Afrika iyo Caalamka.

Guud ahaan marka la eego madaxdii ka hadashay shirka waxaa ay ku dheeraadeen kheyraadka ay leedahay Afrika iyo sida lagama maarmaan u tahay in xilligan maalgashi lagu sameeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
12/9/2017 10:16 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) – Cayaartooyda kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa 1-0 uga badisay Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle lugtii labaad tartanka Maamul gobolleedyada dalka.

12/9/2017 7:22 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

12/9/2017 3:37 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL)-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya, isagoo matalayay dowladda Soomaaliya.

12/9/2017 2:49 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed weerar ku qaadeen Saldhig Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka degmada Buur-Hakabo ee Gobolka Baay.

12/9/2017 12:21 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmada Caabudwaaq ee Galmudug ayaa beeniyay in Xubno ka tirsan Al-shabaab ay galeen degaano hoos yimaada Magaalada Caabudwaaq.

12/9/2017 12:19 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa lumisay lacag ka badan 1.7 milyan oo dollar, ka dib musuq maasuq ka dhashay kabo loo iibinayay booliska dalkaasi, sida lagu ogaaday baaritaan rasmi ah oo la sameeyay.

12/9/2017 12:16 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

12/9/2017 12:10 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid.