4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2017
Dadka ku dhaqan degmada Caabudwaaq oo beeniyay in deegaannadooda ay soo galeen Al-shabaab

 

Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmada Caabudwaaq ee Galmudug ayaa beeniyay in Xubno ka tirsan Al-shabaab ay galeen degaano hoos yimaada Magaalada Caabudwaaq.

Odayaasha dibadbax ka qeybgaly ayaa sheegay in waxba kama jiraan yihiin warar soo baxay oo sheegaya in deegaanno hoostaga degmada Caabudwaaq gabaad ka dhiganayaan saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Waxgardka ayaa intaa ku daray in aysan Aqbali doonin in Al-shabaaab ay soo galaan Caabudwaaq, islamarkaana ay la dagaallami doonaan.

Maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar waxa ay sheegeen in xubno ka tirsan Al-shabaab ay gaareen degmada Caabudwaaq, taasoo ay beeniyay bulshada ku dhaqan deegaanka.

Todobaadydii ugu danbeeyay waxaa gaaray qeybo ka mid gobolada dhexe boqolaal ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxsanayaan duqeymaha is daba jooga ah ee diyaaradaha Mareykanku ku hayaan saldhigyada ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]